|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Ciidamada Amisom oo saaka baaritaano ka waday wadada Garoonka Diyaradaha ee Muqdisho ayaa lala beegsaday qaraxyo u muuqday kuwo isxigay, mana jirana wax khasaare ah oo ay gaarsiiyeen qaraxyadaas Ciidamada lala beegsaday.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay qaraxyadu ahaayeen kuwo aan khasaare geysan, waxayna sheegeen in mid ka mid ah ay ahayd miinooyinka dhulka lagu aasay, halka midda kalena ay ahayd bamka gacanta laga tuuro.
"Qaraxii hore wuxuu ahaa mid aan xooganayn, balse ka qarxay dhulka, waxaana xigay qarax kale oo isaguna aad uga cod yaraa kii hore, Ciidamaduna waxay bilaabeen in ay rasaas badan furaan" ayuu yiri ruux ka mid ah dadkii goobahaas ka dhawaa.
Ruuxaan, wuxuu sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo ay geysteen qaraxyadaas, balse uu sheegay inay maqleen qof dumar ah oo dhaawac uu ka gaaray.
Saraakiisha nabad ilaaliyeyaasha Afrika ayaan ka hadlin qaraxaas, waxaana dhawaan lagu dilay askari ka tirsan Uganda oo ka mid ah ciidamadaan qarax xoogan oo miino ah.
Ciidamadii Amisom ayaa waxay sii wateen baaritaanooda, iyagoo joojiyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo gaadiidka, waxaana baaritaanada noocaan oo kale ah ay sameeyaan maalin walba.
|